Ciidamada Ethiopia ayaa saakay isaga baxay Isgoyska Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan


Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidankii Ethiopianka ee labadii bilood ee la soo dhaafay  ku sugnaa Isgoyska degaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan ayaa saakay  isaga huleelay halkaasi.

 

Dadka degaanka oo la soo xiriiray warbaahinta maxaliga ah ayaa xaqeejiyey in ciidankii Ethiopianka ahaa ee mudooyinkan dambe Kalabeyrka ku sugnaa ay saakay toddobadii subaxnimo isaga baxeen halkaasi, ayagoona sheegay inay indhahooda ku arkeen ciidankii Ethiopianka oo la socda gadiidkooda dagaal oo halkaasi kasii baxaya.


Ciidamadan ayaa sida la sheegay u jiheystay dhanka galbeed oo ah xadka ay Soomaaliya la wadaagto dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, gaar ahaan dhanka degaanka Feer-Feer.

 

Sababta ka dambeysa ka bixitaanka ay ciidamadaasi ka baxeen degaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan ayaan la ogeyn, waxaase iska caadi ah in ciidamada Ethiopia ay dhaq-dhaqaaqyo noocan oo kale ah sameeyaan goortii ay doonaan.

 



Add New Comment