Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur ayaa sheegay in la kala diray dhammaan shaqaalihii Dowladda Hoose ee Xamar, ammaanka magaalada oo aad u xumaaday awgeed.
“Waxaa kaliya sii shaqeynaya Xogheynta iyo Shaqaalaha kale ee xafiisyada ka
shaqeeya, inta kalena waan kala dirnay waayo duruufta uu gobolka ku sugan yahay
ayaanan u saamaxeynin in ay shaqeeyaan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar” ayuu
yiri Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur).
Hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada
Muqdisho mudane Maxamed Cusmaan ayaa wuxuu ku soo aaday iyadoo dhawaan uu Xarunta Gobolka Banaadir
ku soo guuray Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya oo xaruntiisii Ex Gaadiidka Boliiska ay isu beddeshay goob dagaal oo aanay suurtagal ahayn in Barlamaanku ku sii shaqeeyo.