Laba qof oo u dhashay waddanka Fransiiska oo Muqdisho lagu afduubay


Koox dabley ah ayaa saakay aroornimadii xoog ku galay hoteel ku yaalla (Km4) ee magaalada Muqdisho, kana kaxeystay labo qofood oo ajanabi ah oo la xaqeejiyey inay u dhasheen waddanka Fransiiska.

 

Hoteelka uu afduubku ka dhacay ayaa ah Hotel Saxafi oo aad ugu dhow isgooyska Km4 oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Dowladda KMG iyo weliba ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.


Labadan qof ee ajnabiga ah ayaa waxay kooxdii dableyda ahayd ee afduubtay ula dhaqaaqeen dhanka xaafadda Taleex ee degmada Hodan, lamana garanaayo sababta loo afduubtay nimankaas, mana jirto ilaa iyo hadda cid ama koox kamid ah kooxaha hubeysan ee Muqdisho oo sheegatay inay ka dambeeyeen falkaasi afduubka ah.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in saraakiisha booliska ee dowladda KMG ee ku sugnaa goob aad ugu dhow halka uu afduubku ka dhacay aysheegeen in ilaa 10-qofood oo hubaysan islamarkaana ay indhaha u duubanyihiin ay gudaha u galeen Hotelka Saxafi kuwaasi oo qafaashay labada qafood  oo ku sugnaa qolkii ay ka degganaayeen hoteelka.

 
Wixii warar ah ee ka soo kordha dhacdadan kala socda shabakadda wararka ee www.SilGor.com insha'Allaah.


Add New Comment