Xubnahii ARS ee ku biiray Barlamaanka oo maanta la dhaariyey   
          
        
          
        Xaflad goor dhoweyd ku soo gaba gabowday Guriga Umadda ayaa lagu dhaariyay 
Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta uga mid noqonaya Baarlamaanka Dowladda 
Midnimo qaran ee Soomaaliya, iyagoona maanta si rasmi ah ugu biiray Baarlamaanka 
Soomaaliya.
  Sida ay sheegayaan wararka Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan 
oo ah Hogaamiyeyaasha Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa noqday xubnihii u horeeyay 
ee la dhaariyay, iyadoona tirada kale ee Isbaheysiga ay ku daba xigeen oo iyana 
la dhaariyay.
  Xaflada Dhaarinta ee Xubnaha isbaheysiga lagu dhaarinayay 
ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya 
Ahmedou Ould Abdallah iyo Wakiilo ka socday Beesha Caalamka oo fadhiyay halkii 
lagu dhaarinayay Xubnaha Isbaheysiga.
  Sheekh Aadan Madoobe oo ah sii 
hayaha xilka Madaxweynaha ahna Afhayeenka Baarlamaanka oo mid mid u yeerayay 
magacyada Xubnaha Isbaheysiga ee ku soo biiray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 
waxaa xubnaha la dhaarinayay ay ku dhaarteen Magaca ALLE, iyagoona cadeynayay 
inay si daacad ah u gudan doonaan xilalkooda.
  Dhaarinta Xildhibaannadii 
ka yimid Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxay ka dhigan tahay in la 
isku daray Xildhibaannadii Dowladda Federaalka iyo kuwa Isbaheysiga, inkastoo ay 
weli harsan yihiin 75 Mudane oo uu Isbaheysiga u reebay Mucaaradka weli ka maqan 
geedi socodkan xalka loogu raadinayo Soomaaliya iyo dad kale oo aan looga maarmi 
karin xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.
  Labada Dhinac oo markii u 
horeysay si rasmi ah isu soo hor fariistay, isla markaana isku darsoomay ayaa 
waxay dhan yihiin 475 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Midnimo qaran, 
waxaana maalinta sabtida ay dooran doonaan Madaxweyne Dowlad Midnimo qaran oo ay 
yeelato Soomaaliya, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn midka uu noqon doono 
musharixiin badan oo qabashada jagadaas isu soo sharaxay.
  Dhinaca kale 
Kulan uu Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshay Guriga Umadda ka hor inta aysan 
bilaabay dhaarintan Xildhibaanada cusub ee ku soo biirayay ayaa waxaa uu 
ansixiyay oo uu meel mariyay in lagu kordhiyo jiritaanka Baarlamaanka Soomaaliya 
2 sano iyo 8 bilood oo isugu jirta inta ka harsan Waqtigii TFG-da iyo labo sano 
oo ay jiri doonto Dowladda cusub.
  Si kastaba ha ahaatee Magaalada Jabuuti 
ayaa waxaa ka muuqanaya ifafaalihii ugu wanaagsanaa ee dhinaca Nabada ee 
dhinacyada Soomaalida ay ku wadagayaan Dowlad midnimo qaran kaasoo la filayo 
inay shacabka soomaaliyed ee dhibaatada ragaadiyay inay ka saarto dhibaatada oo 
ay lugaha la sii galeyso sanadkii 20aad.
        Add New Comment
   | 
                
                      | 
             
           
       |