Xoogagga Urur diimeedka Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Baydhabo oo ahayd xaruntii barlamaanka DKMG kaddib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamadii Ethiopianka iyo kuwii Soomalida ee la socday.
Ciidanka Al-Shabaab wax iska caabbin ah kalama kulmin qabsashada Baydhabo, waxayna gudaha magaalada soo galeen ayadoo aysan dhicin wax dagaallo ah, waxayna isla markiiba isku ballaariyeen qaybaha magaalada oo dhan.
Maleeshiyadii degaanka ee ay Ethiopianku hubeeyeen ayaan la garaneyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaase lagu soo warramayaa inay soconeyso rasaas ka dhaceysa garoonka dayaaradaha ee magaalada ayada oo aan la ogeyn cidda halkaas kula dagaalameysa xoogaggga magaalada qabsaday ee Al-Shabaab.