![r3409108030[1].jpg](/images/r3409108030%5B1%5D.jpg)
Cabdullaahi Sheekh Nuur (Cabdullaahi Qadar) oo ka tirsan  Xafiiska Warfaafinta 
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka warbixiyay madaafiicdii shalay 
lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada oo uu ku tilmaay inay ahayd arrin doqonnimo ah. 
Cabdullaahi Qadar ayaa xaqiijiyey in dhowr madfac lagu soo tuuray 
Xarunta Madaxtooyada, hase yeeshee aanay wax dhibaato ah geysan, isagoona tilmaamay in ciidamada  Madaxtooyadu ay adkeeyeen oo qura ammaanka.
"Madaxweynaha wuxuu amar ku 
bixiyay inaan madaafiic jawaab ah laga ridin Madaxtooyada" ayuu yiri sarkaalkaa u hadlay xfiiska warfaafinta, wuxuuna  intaa ku daray in xilliyadii hore ay dadka Muqdisho filan jireen in madaafiic jawaab celin ah laga soo tuuro madaxtooyad mar kasta oo weerar lagu soo qaado.
Inaan wax madaafiic ah aanay shalay kasoo dhicin dhanka Madaxtooyada ayaa ah arrin shacabka reer Muqdisho u muujisay sida dowladda Sheekh Shariif ay uga go'an tahay inaan dhiig dambe la daadinin, wax walbana lagu dhammeeyo wada hadal iyo is-afgarasho.