
Hoggaanka gudaha ee Maxkamadaha 
islaamiga ayaa shacbiga  Soomaaliyeed ugu 
baaqay in ay qaataan hubkooda, si ay isaga difaacaan kooxaha  dilalka ka geysta 
gudaha magaalada Muqdisho.
 
Afahayeenka dhinaca 
howlgallada  Maxkamadaha Islaamiga sheekh 
Cabdiaxiim Ciise Caddoow ayaa ugu baaqay shirkadaha waaweyn, haya’adaha samafalka, 
culumada, aqoonyahanaha iyo shaqsiyaadka magaca leh ee Soomaaliyeed in ay qaataan 
hub ay isaga difaacaan dadka shirqoollada dilka ka fuliya gudaha dalka 
Soomaaliya.
 
Isagoo qadka taleefanka ugu 
waramayay TV-ga Al Jazeera ayaa Sheekh Cabdiraxiim Ciise Caddoow waxaa uu sheegay in 
shacbiga Soomaaliyeed ay iska saaareen xukuumaddii militariga ee kaligiis 
taliska aheeyd, hogaamiye kooxeedyadii iyo ciidamada Ethiopia sidaa darteedna ay awoodaan in ay iska saaraan dadka magaca islaamka u adeegsanaya ujeedooyin ka 
soo horjeeda diinta islaamka.
 
Sheekh Cabdiraxiim waxaa uu 
sidoo kale sheegay in dadka dilalka shirqoolada fuliya aysan aheeyn mujaahidiin 
oo magaca islaamka ay u adeegsadaan falal dembiilenimo ah sida uu hadalka u 
dhigay.
 
Sheekh Cadoow waxaa uu sidoo kale ugu 
baaqay dadka Soomaaliyeed ee aan hubka haysan in ay yeesheen hub ay isku 
daafacaan isagoo sheegay in maxkadaha islaamukuna ay hubkaasi ka soo aruurin 
doonaan marka ay xasisho xaaladda amaan ee dalka 
Soomaaliya.
 
Hadalka Afhayeenka dhinaca 
howlgallada ee Maxkamadaha iIlaamka ayaa waxaa uu imaanayaa xili maalmo ka hor 
gudaha Suuqa Bakaaraha oo ay gacanta ku hayaan xoogaga muqaawamada dil bareer ah 
loogu geystay Allaha u naxariistee Agaasimihii idaacada Horn Afrik Saciid 
Tahliil Axmed.