Dowladda Turkiga ayaa ku soo biirtay dalalka ku dhawaaqy inay la dagaalamayaan burcad-badeedda Soomaaliyeed, waxayna sheegtay inay maraakiib dagaal u soo diri doonaan xeebaha waddanka Soomaaliya oo ay hore ugu sii sugnaayeen maraakiib dagaal oo fara badan oo ka kala socda dalal u badan gaashaanbuurta NATO.
 
Barlamanka Turkiga ayaa 
isku raacay in Turkigu uu markab dagaal iyo ciidamo u diro xeebaha 
soomaaliya kuwasoo qayb ka noqon doona ciidamo caalami ah oo loogu talagalay in ay la dagaalaamaan kooxaha burcad-badeedda 
Soomaaliyeed.
 
Go’aanka dowladda Turkigu 
ay qaadatay ayaa yimid kaddib markii ilaa 37-qof oo u dhashay wadanka Turkiga lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya, ayadoo sidoo kalena 15 markab oo xiriir la lahaa 
dowladda Turkiga ay kooxaha burcad badeedu qafaasheen.