Madaxweyne Sheekh Shariif 
Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jabuuti ee wadanka 
Jabuuti kadib markii uu dalka Ethiopia kaga soo qeyb galay shir madaxeedkii 
Afrika ee halkaasi ku soo 
dhamaaday.
 
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hogaaminayey wafuiigii markii hore u 
raacay dalka Ethiopia  ayaa waxaa uu ka soo dagay 
gagida dayaaraha caalamiga ah ee magaalada Jabuuti halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen 
saraakiil reer Jabuuti oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro iyo xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya.
 
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh 
Shariif Sheekh Axmed oo diyaarad ay wada saarnaayeen madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo ay ka soo wada qeyb galeen kulan madaxeedkii Africa ee lagu soo gebagebeeyey magaalada Addis Ababa ayaa markii uu ka soo dagay garoobka 
diyaaradaha waxaa uu si toos ah loogu qaaday hoteelka Kambiska halkaasi oo uu 
deggany ahay madaxweynaha isagoo aan wax war ah siinin 
saxaafadda.
 
Masuuliyiin ka tirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynuhu uu nasasho gaaban kaddib uu guda geli doono magacaabidda Ra'iisul wasaare cusub oo ay Soomaaliya yeelato iyo soo dhammeystirka dhismaha hay'adaha dowladda KMG ee Soomaaliya.