Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik oo muqdisho lagu dilay   
          
        
          
        Kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garaneyn ayaa goordhow gudaha suuqa Bakaaraha ku toogtay 
Agaasimihii idaacada Horn Afrik ee magaalada Muqdisho marxuum Saciid Tahliil, xilli uu marayay gudaha 
Suuqa weyn ee Bakaaraha.
    Alla ha u naxariistee marxuum Saciid Tahliil Axmed ayaa  ahaa 
Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik oo ka mid ah idaacadaha Madaxa banaan ee ka 
howlgala gudaha Magaalada Muqdisho ayaa xilkaas waxaa uu qabtay kadib markii 
Muqdisho sidan oo kale loogu dilay Labo Agaasime oo isla Idaacadan ka wada 
tirsanaa kuwaas oo kala ah Cali Imaan Sharma;arke iyo Mahad 
Elmi.   lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa dilka agaasimaha iyadoo 
aan sidoo kale la garaneyn kooxaha dilka u geystay agaasimaha idaacada Horn 
Afrik,iyadoo kooxihii dilka geystana ay ka baxsadeen goobta ay falka dilkaasi ka 
geysteen.
  Haddaba bahda website-ka SilGor.com ayagoo ka xun dilka marxuum Saciid Tahliil uga tacsiyadeynayaan eheladii, asxaabtii iyo bahda Idaacadda Horn Afrik ee uu ka geeriyooday, asagana waxaan Allaah uga baryeynaa inuu jannaadii Fardowsa ka waraabiyo. AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN. 
  
        Add New Comment
   | 
                
                      | 
             
           
       |