![r3409108030[1].jpg](/images/r3409108030%5B1%5D.jpg)
La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay wararka 
sheegaya in Madaxweynuhu uu dalbaday Ciidamo shisheeye oo meesha ka saara waxa 
loogu yeeray xagjiriinta Nabada Soomaaliya.
Dr. Axmed Macalin Fiqi oo ah 
La taliyaha Madaxweynaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo ay qoraan 
Warbaahinta Caalamka, taasoo Madaxweyne Sheekh Shariif kaga dalbanayay Beesha 
Caalamka Ciidamo caalami ah, waxaana uu sheegay in warkaas uu yahay mid wax 
loogu dhimayo sumacada Madaxweynaha.
La taliyaha Madaxweynaha ayaa 
sheegay in madaxweyne Shariif oo ka qeyb galaya kulan madaxeedka Afrika uu ku 
adkeystay in la abuuro ciidamo Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in warkaasi uu 
yahay war aan jirin, Madaxweynaha oo caawa magaalada Addis Ababa saxaafadda kula 
hadlayna uu ka gaabsaday in uu dalbado ciidamo Shisheeye ,waxaana uu sheegay in 
madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uusan qorshaha ugu jirin 
dalabka ciidamo shisheeye oo la keeno dalka Soomaaliya balse uu muhiimadda 
siinayo in la dhiso ciidamo soomaaliyeed kuwaasi oo sugi kara amaanka.
 
"Waa waxba kama jiraan hadalada sheegaya in Madaxweynuhu dalbaday Ciidamo 
shisheeye, waana arrin lagu xumeynayo dadaalada uu wado"ayuu yiri La taliyaha 
Madaxweynaha Dr. Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Wafdiga Sheekh Shariif kula 
sugan Magaalada Addis Ababa.
Mar uu ka hadlay Shir jaraa'id oo uu 
Suxufiyiinta ugu qabtay magaalada Addis Ababa Madaxweyne Shariif ayuu sheegay in 
wariyeyaasha wax ka weydiiyeen farqiga u dhaxeeya isaga iyo Saaxibkiis hore ee 
Xasan dahir, isagoo ku soo koobay in Xasan Dahir ay dad walaalo oo Muslimiin 
yihiin, isla markaana uu ka dhaadhicin doono inuu ku soo biiro Dowladda 
Soomaaliya, isagoo sheegay inuusan marna ka quusan doonin.
Jawaabta 
xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ee beeninta in uu dalbaday Ciidamo Shisheeye 
ayaa waxa ay ka dambaysay markii qaar ka mid ah warbaahinta ay baahiyeen warar 
sheegaya in ay ka soo xigteen saraakiil oo ka turjumaya in madaxweyanah uu 
dalbaday Ciidamo Shisheeye.
Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa oo kulamo 
la qaatay madaxweynayaal Afrikaan ah ayaa kulankii u dambeeyay dhex maray isaga 
iyo Madaxda Urur Goboleedka IGAD, iyagoona ka wada hadlay xaalada murugsan ee 
Soomaaliya iyo is badalada ka dhacay, waxaana madaxweyne Shariif oo maanta 
gudaha usoo galay Xarunta Midowga Afrika lagu soo dhoweeyay farxad, iyadoo ay u 
wada istaageen madaxweyneyaashii Afrikaanka ee ka socyda 53 dal.