Dowladda Ethiopia ayaa 
beenisay in ciidamadeedu ay dib ugu soo laabteen gudaha dalka Soomaaliya, xilli la wada og yahay inay 
ciidamo fara badan ka joogaan deegaanka Kalabeyrka ee gobolka Hiiraan. 
 
Wasiirka Warfaafinta Bereket Simon oo ku hadlaayey Afka dowladda Ethiopia 
ayaa sheegay in ciidamada  Ethiopia aysan dib u  galin gudaha  
Soomaaliya, wuxuuna hadallada kaso yeeraya gudaha Soomaaliya ku tilmaamay kuwo lagu carqaladeynayo horumarka laga gaaray dadaalka nabadda ee Soomaaliya.
 
Xukuumadda Addis Abeba waxaa ay 
sheegtay inay ciidamadeeda ku sugan yihiin xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo 
Ethiopia si ay u difaacaan 
dalkooda, haddii 
qatar uga timaado dhanka Soomaaliyo oo ay awood ciidan oo aad u weyn ku leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta ah.
 
Ayadoo ay shaqsiyaad siyaasadeed iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraanna ay xaqiijiyeen in ciidamo Ethiopian ah ay soo galeen degaanka Kalabeyr, oo weliba ay ka sameysteen baro kontorool oo ay ku baarayaan gaadiidka iyo dadweynaha isaga kala gooshaya gobolka iyo gobollada kale ee bartamaha Soomaaliya.
 
Ku soo laabashada ciidamada 
Ethiopia ay ku soo laabteen gudaha Soomaaliya iyo inkiridda dowladda Ethiopia 
ayaa waxaa lagu macneeyay in Ethiopia ay aysan wali gaarin dantii ay Soomaaliya 
ka laheyd taasi oo keenaysa in mararka qaar ay gudaha Somaaliya ku soo 
laabtaan.