Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wax laga xumado ku tilmaamay dagaalada maanta ka dhacay 
magaalada muqdisho kuna baaqay in dagaallada si degdeg ah loo joojiyo lagana wada shaqeeyo nabadda.
 
Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo maanta ka hadlayey kulan 
hal sano oo dheereed ah loogu kordhiyay sii shaqeynta Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalladii 
iyo duqeymihii maanta ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay gudaha magaalada 
Muqdisho.
 
“Waa wax laga Xumaado dagaalna ma 
doonaynin in uu ka dhacoxiligaan magaalada,waxaana ugu baaqeynaa kuwa is 
dagaalaya in ay dagaalada joojiyaan oo ay illaah ka cabsadaan xabad xal laguma 
gaarayo”ayuu yiri Afhayeenka Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha 
Hawiye.
 
Xaaji Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxaa uu sheegay in dagaaladu 
ay leeyihiin qodobo u gaar ah  isagoo ku 
cel celiyay in uu dalbanayo joojinta dagaalada ka dhacay gudaha magaalada 
Muqdisho.
 
Hadalkaan ka soo yeeray odayaasha 
dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili maaanta 
gudaha magaalada Muqdisho ay ka dhaceen dagaalo ay dad fara badani ku dhibteen 
kaasi oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa tan iyo marka ay gudaha Soomaaliya ka 
baxeen ciidamada Ethiopia.