Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye 
ayaa maanta  si weyn u soo dhoweeyey tallaabadii shalay 
lagu qaaday qaar ka mid ah jidgooyooyinkii yaalay gudaha iyo hareeraha magaalada 
Muqdisho.
 
Afhayeenka Odayasha Dhaqanka Beelaha hawiye Xaaji Axmed Diiriye Cali ayaa soo dhoweeyey howlgalkii Guddiga Amniga Qaranka iyo Maxkamadaha Islaamigu ay ku qaadeen jidgooyooyinkii magaalada 
Muqdisho gaar ahaan tii shalayto laga qaaday isgoyska Ex Contarool Afgooye ee 
lagu geeyay ciidamo maxkamadahu ay leeyihiin.
 
Axmed Diiriye ayaa uga mahad 
celiyay Askarta dowladda KMG ah tallaabadii ay ku oggolaadeen inay ku laabtaan xerooyinkooda, isagana  tagaan 
isbaarooyinkii ay lacagaha ku qaadi jireen, waxaana uu tilmaamay in hadii 
arrintanu ay sidaan ku sii socoto ay billow wanaagsan u noqon doonto nabadgalyada 
magaalada.
 
Afhayeenka  ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada dowladda in ay joojiyaan falaka isgu 
jira dilka, dhaca iyo muqaadaraadka ay isticmaalaan si ay dhinac uga raacaan 
ciidamada ay leeyihiin xoogagga kale ee magaalada gudaheeda ku 
sugan.
 
Shalay ayey aheeyd markii gudiga 
Amniga Qaranka ee uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Sheekh Shariif ay qaadeen isbaaradii 
Ex contarool Afgooye ee askarta dowladdu ay lacago sharci daro ah uga qaadi jireen dadka 
rayidka ah iyo gaadiidka isticmaala taasoo qaadisteeda ay soo dhaweeyeen qeybaha 
kal duwan ee Bulshada.