CULIMADA MUSAALAXADA EE UU SHIRKU UGA SOCDAY MUQDISHO OO BAYAAN SOO SAARAY
Culumada Musaalaxada iyo Sixidda Soomaaliyeed ee maalmahanba uu shirku uga socday magaalada Muqdisho ayaa maanta soo gebagebeeyey fadhigoodi, soona saaray bayaan lwaafaqsan shareecada Islaamka oo lagu kala saarayo xoogagga Islaamiyiinta ee soo kala horjeeda, bayaankana wuxuu u qornaa sidan:-
Go'aamada iyo Bayaanka Shirka Culumada Soomaaliyeed
1. Dhiigga Muslimka ee xaqdarrada lagu galo
Waxay Culumadu caddaynayaan inay xaaraan tahay sharci ahaan in qof muslim ah 
daadiyo dhiigga dadka muslimiinta ah ee soomaaliyeed, si gaadmo ah iyo si bareer 
ah midnaba, ama sabab loo noqdo, ama uu ku xadgudbo Xoolihiisa iyo sharafkiisa, 
waxaana arrinkaas ka dhalanaya khasaare adduunyo iyo mid aakhiro, waxaana waajib 
ah in qof kasta oo horay u galay dhiigga qof muslim ah si sharci darro ah inuu 
towbad keeno, naftiisana u dhiibo una gacan galiyo ciddii uu dhiigga ka galay 
(dhaawacay) ama dadka leh dhiiggiisa (hadduu dil dhaco).
2. Xadgudubka Diineed
Waxay Culumadu caddaynayaan:-
Inay waajib tahay in lagu dhago laguna toosnaado Manhajka Ahlusunna waljamaca 
ee dhexdhexaadka ah dhammaan arrimaha diineed ee qofka muslimka ah, lagana 
fogaado wax alla wixii xadgudub ama gaabin diineed ah, gaar ahaan arrimaha 
dhiiga, xoolaha, iyo sharafka Qofka muslimka ah sida uu allahba yiri S.W: 
{وكذلك 
جعلناكم أمة وسطا لتكونوا شهداء على الناس}
In dhammaan arrimaha diineed looga danbeeyo loolana laabto culumada ku 
xeesha dheer aqoonta diineed, laguna yaqaan Ammaano, Daacadnimo iyo Alla ka 
cabsi, gaar ahaan waqtiyada Fitnadu jirto, sida uu allaahba yiri S.W. 
{ وإذا 
جاءهم أمر من الأمن أ والخوف أذاعوا به ولو ردوه إلى الرسول وإلى أولي الأمر منهم 
لعلمه الذين يستنبطونه منهم....}
In aga digtoonaado ku degdegidda Gaaleysiinta ruuxa muslimka ah iyo riddo 
ku xukunkiisa, taas oo lagu banneysanayo dhiiggiisa, xoolihiisa iyo sharafkiisa, 
maxaa yeelay xukunka arrinkaas waxaa geli kara oo kali ah Culumo u khaas ah, 
kuwaasoo cuskanaya ama tixgalinaya Xuduudaha uu sharcigu u dhigay arrintaas oo 
ah:-
- Inay qofka ka dhacdo arrin keeni karta gaalnimo dhab ah 
- In la helo Shuruudaha sharcigu u dhigay gaalaysiinta Shakhsiga.
- In laga waayo wax ka horjoogsada in lagu rido Xukunkaas 
Gaalaysiinta ama ridada ah.
Waxaa xadgudub diineed ah Dilka, afdubka, dhaca, iyo dhibateynta loo 
geysanayo hay'adaha iyo dadka gaarka ah ee ku soo galay waddanka Dammaanadda 
jiho ama qof Muslim ah, hadday dhacdo inay ku kacaan hay'adahaas ama 
shakhsiyaadkaas wax xadgudub ku ah dadka diintooda ama akhlaaqdooda, waxaa 
waajib ah in lagala xiriiro cidda Damiinka ka ah.
3. Dhaqangelinta Shareecada Islaamka
Maaadaama ay sharecadu tahay waajib diini ah, dalabka shacabka, Furaha Amniga 
iyo Musaalaxada, waxaa wajib ku ah dowladda ianay qaadato go'aan cad oo ah ku 
dhaqanka shareecada Islaamka si Buuxad, si ay taasi u dhacdana waa in 
baarlamaanku soo saaro si dhab ahna ugu dhawaaqo arinkaas muddo sagaashan cisho 
gudahood ah laga bilaabo 01/03/2009. taas oo asaas u ah taageerada shacabka iyo 
kalsoonidiisa.
4. Axdiga Ku meelgaarka ah 
Kadib markay Culumad dib u eegeen Axdiga ku meel gaarka ah ee dawladda waxaa 
uga soo baxay qodobbo ka hor imaanaya shareecada islaamka, islamarkaana ka hor 
imaanaya qodob isla Axdiga ku yaalla oo xusaya: - 
In shareecada islaamku saldhig 
u tahay shuruucda qaranka – sida ku cad Qodobka 8'aad, faqradiisa 2'aad, sidaa 
darteed waxaa waajib ku ah dowladda inay ka saarto Axdiga ku meelgaarka ah qodob 
kasta o ka hor imaanaya shareecada islaamka, si taas loo helana waa in loo 
xilsaaraa Dib u eegidda Axdiga iyo sixidiisa Culumo ku xeel dheer Shareecada 
Isalaamka laguna kalsoonyahay Ammaanadooda iyo Cilmigooda.
5. Ciidamada Shisheeye
kaddib markaan miisaanka sharciga ah saarnay arrinka ciidamada shisheeye ee wadanka joogo, waxaa noo soo baxay arimaha soo socda:- 
Ciidamada wadanka joogo kuma imaan qaab waafaqsan shareecada Islaamka iyo 
doonista shacabka midna.
Ciidamadaan sii jogitaankoodu waa mid aysan shareecadu ogolayn ummadduna 
aanay raalli ka ahayn.
Joogitaankoodu waxaa uu dhib ku yahay ummadda diinteeda, Anshaxeeda, 
Amnigeeda iyo madaxbananideeda.
Sidaa darteed waxaa waajib ku ah dowladda:-
Inay dalka ka saarto ciidamada hadda joogo ugu badnaan mudo 120 cisho 
gudahood ah taas oo ka bilaabanaysa: 01/03/2009.
Habka lagu saarayo waa inuu noqdo hab aan dagaal ahayn, sababta oo 
ah:-
-Shareecadu waxa ay qabtaa in hadafka lagu gaaro hadba dariiqada ugu 
fudud uguna dhib yar ee aan sharciga khilaafsanayn.
- Waxaa waajib sharci ah 
Xifdinta Dhiigga, Hantida iyo sharafka shacabka, oo aan sabab loo noqon dhibaato 
gaarta ayadoo la baajin karo.
Mudadaas gudaheeda waa in aysan ku kicin Ciidammada hadda jooga falal 
dhaqdhaqaaq dagaal, isbaahin iyo dhibaatayn shacab toona, iygana waa in aan la 
weerarin.
Waa in aan sinaba loo soo kordhin, ama aan loo keenin Ciidamo kale oo 
cusub
6. Mujaahidiinta ka soo horjeeda dowladda 
Waxaa waajib ku ah mujaahidiinta 
dowladda ka soo horjeeda, isla markaana ah maslaxad sharci ah, ummadduna ka 
sugeysaa arrimaha soo socdo:-
Inay wax ka abuuraan Jawi nabadeed iyo fursad lagu xaqiijin karo arrimaha aan 
ku soo xusnay qodobbada (3,4,5 ) isla markaana ka qaataan kaalin sidii loo 
suurtogalin lahaa fulinta arrimahaas.
Inay ka fogaadaan wax alla iyo wiixii 
keeni kara dagaal af iyo addinba, inta lagu guda jiro fulinta arrimahaa kor ku 
xusan.
7. Haddii sida la soo sheegay wax u fuli waayaan
Haddii uu yimaaddo xad gudub lagu sameeyo fulinta go'aammada kor lagu soo 
xusay, amaba lagu fulin waayo xilligii loo qabtay, Dhinac kali ah go'aan ma 
qaadan karo, waxaase arrinkaasi uu u noqonayaa oo caddeynaya Hay'adda Culumada 
Soomaaliyeed, waxaana Go'aan ka gaaraya Ahlul xalli Walcaqdiga.
8. Musaalaxada iyo heshiisiinta 
In la heshiisiiiyaa dadka walaalalaha ah waa waajib sharci ah,
waxa ayna 
ka mid tahay waxyaabaha waaaweyn ee allah 
Loogu dhawaado S.W. sida uu Allah 
yiri:
{ لاخير في كثير من نجواهم إ ن مر بصدقة أو معروف أو إصلاح بين الناس}
Rasuulkuna wuxuu yiri S.C.W:
" ألا أدلكم على أفضل من درجة الصلاة والصيام والصدقة؟ قالوا بلى يا رسول الله 
صلى الله عليه وسلم، قال: إصلاح ذات البين، فإن فساد ذات البين هي الحالقة، لا اقول 
انها تحلق الشعر ولكنها تحلق الدين" أخرجه أحمد والترمذي وابن حبان وغيرهم من حديث 
أبي الدرداء.
Sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha 
ah inay ka fogaadaan wax alla iyo Wixii keeni karaya dagaal iyo dhiig dhexdooda 
ka daata af Af iyo addinba, taas oo keeni karta halaag aduunyo iyo mid 
aakhiro.
Waxaan ugu baqeyna in si degdeg ah ay u joojiyaan wax alla iyo waxii sabab u 
noqon kara kala fogaanshaha, kala tagga iyo is nacaybka.
Waxaan ugu baaqeynaa inay isu dhimriyaan isun dabacsanaadaan. Waxaan ugu 
baqeynaa in cid waliba ogaato in wadajirka oo kali ah lagu xaqiijin karo waxa 
alle raalliga ka yahay, ummaddana maslaxaddeeda ah.
Waxaan ugu baqeynaa in mashaakil walba oo la soo darsa dadka walaalaha ah 
dhexdooda in lagu xalliyo wadahadal si waafaqsan shareecada islaamka, lagana hor 
mariyo danta guud midda gaarka ah, Hay'adda Culumaduna waxa ay sii wadeysaa 
Musaalaxada iyo Heshiisiinta inta ay ka mirodhalayso inshaa'Allaah.
9. Waxaan ugu baaqeyna dhamman shacabka Soomaaliyeed 
Shacabka, Mujaahidiinta 
ka soo horjeeda dowlada, Baarlamaanka & Xukuumadba gaar ahaan kuwii dalka 
cadowga keenay inay Towbad keen dhab ah la yimaadaan diintoodana qabsadaan, 
culumadoodana ka danbeeyaan, gacmahana isqabsadaan, xaqqana isuguna kaalmeeyaan. 
Ugu dambeyn culumadu waxay u tacsiyeynayaan dhammaan ummadda soomaaliyeed ee 
dhibaatadu soo gaartay xilligii la soo dhaafay naf iyo maalba waxayna allaah uga 
baryayaan inuu siiyo badel khayr qaba, dhaawacoodana bogsiiyo dhibaatadoona 
xaliyo.
Wabilaahi Towfiiq