
Dowlada Masar ayaa casuumaad rasmi ah u fidisay Madaxweynaha dowlada 

Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayadoo casuumadaasina ku tilmaantay mid ay madaxweynaha wada tashi kala sameynayaan arrimo ku aaddan xaladda Soomaaliya iyo sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa.
Xoghaynta 
wasaarasadda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar Munah Omar ayaa u sheegtay saxaafada 
in warqadda  casumaadda ah ee ay u direen Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay mid la doonayo in labada 
dowladood ay kaga wada hadlaan cilaaqaadka ka dhaxeeya iyo arrimaha ammaanka ee 
dalka Soomaaliya iyo sidi dowlada Masar ay ugu qeyb qaadan lahaayeen arrimaha dib 
u hishiisiinta ee socda.
Waxa ay intaas ku dartay in ahmiyad weyn ay 
dowlada Masar siineyso arrimaha Soomaaliya iyadoo sheegtay in dowlada Masar ay 
aaminsan tahay in madaxweynaha cusub uu nabad ku soo dabaali doona dalka Soomaalia ee ay 
dagaaladu aafeeyeen  mudada ku dhow 20 sanadood.
Iyadoo kooxaha 
mucaaradka ee ka soo horjeeda oo iyagu ku baaqay dagaal ka dhan ah dowlada 
Somaaliya ayaa dowlada Masar waxa ay ugu baaqday inay joojiyaan dagaalada 
islamarkaana wax walba lagu dhameeyo wada hadal, halkii dagaal laga sii wadi 
lahaa.
Waa casumaaddii ugu horeysay ee Madaxweynaha uu ka helo dowlad Carbeed 
oo awood ku leh uruka Jaamacada Carabta waxaana dowlada Masar ay sheegtay in ay 
ku rajo weyn yihiin in uu aqbali doono madaxweynaha casuumada ay u 
fidiyeen.