Waxaa weli aad u kacsan xiisaddii u dhaxeysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Midnimada Qaran iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah ee iyagu ku sugan dalka 
Jabuuti, waxaana xubnaha matalaya Bulshada Rayidka ah oo Baarlamaanka loo 
gudbiyay magacyadooda uu iska diiday hoggaanka sare ee Baarlamaanka midnimada 
Qaranka.
Guddoomiye K/Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. 
Maxaqmed Cumar Dalxa ayaa sheegay inay iska diideen liiska ay soo gaarsiiyeen 
ururrada bulshada rayidka ah, waayo buu yiri liiska ay soo gudbiyeen ma aha mid 
sax ah oo ku qotoma nidaamka 4.5-ta.
Prof. Dalxa waxa uu sheegay in 
liiska xubnaha ururrada bulshada rayidka ah uu gebi ahaanba qaldan yahay, waayo 
bay yiraahdeen waa in lagu saleeyo qaab qabiil, isagoona tilmaamay in ururro 
bulsho wax ay yihiin ay wada yaqaanaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha 
caalamkaba.
Dhinaca kale ururrada bulshada rayidka ah, ayaa iyagu aad uga 
carooday arrintan, waxaana sarkaal u hadlay ururrada bulshada rayidka ah uu 
sheegay in faragelin lagu hayo bulshada rayidka ah, isla markaasina arrintaasi 
ay ka dambeeyaan kooxo uu ku tilmaamay inay yihii cadow dalka ku soo duulay.