Dowalada Ethiopia ayaa maleeshiyaad Soomaali ah ku 
uruurineeysa dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.
 
 
Dawlada Ethiopia ayaa waxaa ay maleeshiyaad aad u 
farbadan oo Soomaali ah ku uruurinaysaa degaano ka tirsan dhulka ismaamulka 
Soomaalida Ethiopia kuwaas oo ay ka kala keentay 
gobalo kala duwan oo ka tirsan dalka Soomaaliya 
 
Warar aanu ka helnay illo wareedyo 
kala duwan ayaa xaqiijiyay in dawlada Ethiopia ay maleeshiyaad Soomaali ah oo ay 
la socdaan xubno ka tirsanaan jiray dawlada federal-ka ah ay hadda ku 
uruurinayso xiro military oo ku taala degmada Mustaxiil ee dhulka ismaamulka 
Soomaalida Ethiopia halkaas oo la filayo in dhawaan uu uga bilawdo tabar ay 
bixinayaan saraakiil sar sare oo Ethiopian ah oo dhawaan halkaas soo 
gaaray
 
Xubno diiday in lamagacaabo oo 
tagay halkaasi ayaa idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in maleeshiyaadkaan laga 
kala keenay gobalo ay ka mid yihiin Mudug Galguduud Hiiraan Bay iyo Bakool ayna 
la socdaan xubno madax ah oo dagaal lagaga saaray gobalda Hiiraan,Bay iyo Bakool 
 
Goobta lagu xaraynayo 
maleshiyaadkaan ayaa ah xero caan ku ah maleeshiyaadka Soomaalida ah lagu bixiyo 
tababaradooda oo lagu magacaabo Qaw  taas 
oo ku dhaw degmada Mustaxiil,waxaana dhawaan la gaarsiiyay maleeshiyaad laga soo 
qaaday degmada Feer Feer ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia si ay qayb uga 
noqdaan tababarka halkaasi ka furmaya 
 
Macadda halka ay ku wajahayso 
Ethiopia maleeshiyaadkaan iyo 
cidda ay u tababarso balse waxaa uu ku soo aadayaa xili dhawaan ra’iisul 
wasaaraha Ethiopia melles Zanawi uu sheegay in 
uu taageerayo waxa uu ku tlmaamay beelaha la dagaalamaya Al shabaab haddii ay 
waydiistaan taas isla markaana uu ku celceliyay in haddii uu dareemo baahi uu 
soo faragalinayo mar kale dalka Soomaaliya 
 
Majiro war ku saabsan 
dhaqdhaqaaqyada Ethiopia oo kasoo baxay hogaanka dawlada midnimada Qaran oo 
horay ugu baaqay nabad ay ku wada noolaadaan dalalka dariska la ah 
Soomaaliya,waxaana tilaabooyinka Ethiopia ay u muuqdaan kuwo kaabaya fikirka ah 
in Ethiopia aanay ku qancayn nabad waarta oo ka hanaqaaday dalka Soomaaliya ayna 
markasta kaydsato mucaarad ay ku wajahdo nabad ka dhalata 
Soomaaliya.