Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti 
Ismaaciil Cumar Geele ayaa xalay xaflad casho sharaf ah ugu sameeyey magaalada Jabuuti masuuliyiinta dowladda Soomaaliya isagoona halkaas kasoo jeediyey talooyin wax ku ool ah.
 
Madaxweynaha dowladda midnimada 
Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed Ra’iiul wasaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, gudoomiyaha barlamaanka iyo xildhibaano kor u dhaafaya illaa 200  ayaa xalay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti 
uga qeyb galay xaflad casho sharaf ah oo uu ku casuumay madaxaweyne Ismaaciil 
Cumar Geelle Madaxweyneha Dowlada Jabuuti.
 
Xaflada oo ay ka wada hadleen 
masuuliyiinta labada dhinac ayaa waxa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu kula 
dardaarmay Madaxweyne Sheekh Shariif in uusan fududeeysan xilka saaran 
isla markaana uu xil weyn iska saaro dhibaato ka bixinta umadda 
Soomaaliyeed.
 
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele 
ayaa sidoo kale kula dardaarmay Ra’iisul wasaaraha cusub in uu isna ka dheeraado 
wax waliba oo qilaaf soo kala dhex dhigi kara isaga iyo Madaxweynaha sida 
Ra’iisul wasaarayaashii ka horeeyay isaga,waxaana uu kula dardaarmay in laga sugayo 
in uu soo dhiso xukuumad dalka ka saarta dhibaatada oo loo dhan 
yahay.
 
Sidoo kale Madaxweyne Geele ayaa 
guddoomiyaha baarlamaanka iyo Xildhibaannada ugu baaqay in aysan qalqal galin 
howlaha xukuumadda.
 
Madaxweye Sheekh Shariif 
Madaxweynaha dowladda midnimada Qaran oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa 
waxaa uu sheegay in ay abaal buuxa  u 
hayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, xukuumadda iyo Shacabka reer Jabuuti 
sida ay mar waliba isu garab taagaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ay dhibaatada 
heysato.