Ururka Jaamacadda Carabta ayaa dowladda cusub ee dalka Soomaaliya ee uu Madaxweyne Sheekh Shariif hoggaamiyo  ugu deeqday lacag 1 milyan oo dollar ah oo ay kaga qayb qaadanayaa dib-u-dhiska  dalka.
Mr. Samiir Xusni oo ah agaasimaha 
Jaamacada Carbta u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa sheegay 
in xoghayaha guud ee  Ururka Jaamacadda Carabta Al-Sayid Camr Muusa uu amar ku bixiyay in lacagtaasi la bixiyo si loo taageero dowladda cusub ee Soomaaliya.
 
Camr Muusa ayaa sheegay inay Jaamcadda Carabtu  ka qeyb gali doonto 
kulamo caalami ah oo ay yeelan doonaan waddamo iyo hay’ado dowli ah kaasi oo looga hadlay sidii 
wax loogu qaban lahaa looguna fidin lahaa taageero siyaasdeed dowlada Cusub ee 
Soomaaliya ka hanaqaaday kaasi oo ka dhici doona maanta magaalada Addis Ababa 
ee dalka Ethiopia.
 
Shirkaasi ayaa ujeedadiisa waxaa 
ay tahay sidii maamulka cusub ee Soomaaliya loogu suurtagelin lahaa in uu wax 
ka qabto dhinacyada u baahan wax ka qabashada sida sii wadiida howlaha dib u 
heshiisiinta iyo sidoo kale xasillooni ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya.