Warsaxaafadeed ka soo 
baxay xafiiska warfaafinta ee safaaradda dowlada Mareykanku ku leedahay magaalada Niarobi ee dalka 
Kenya ayaa lagu sheegay in dowlada Mareykanka ay soo dhaeweyneyso magacaabista 
Ra’iisalwasaarah cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke. 
War saxafeedkan ayaa 
lagu yiri dowlada Mareyknka ee uu Obama hoggaamiyo waxay taageereysaa hannaanka 
dowladeed ee Sheekh Sharriif madaxda u yahay ee ka soconaya Soomaaliya iyagoo 
sheegay in Soomaaliya ay haatan cagaha la heshay dhabbihii nabadda, kaddib markii 
uu Madaxweynuhu magacabay nin aqoon u leh howsha maamul ee dowladda 
Soomaaliya.
Warbixntan ay 
 soo saartay dowlada Mareykanka oo loo qeybiyay saxaafada ayaa 
waxaa lagu yiri “Soomaalida jecel nabadda, neceb xagjirnimada iyo argaxisanimada 
waanu taageereynaa kuwaoso doonaya nabad inay ku soo celiyaan Soomaaliya islamarkaana ay ka shaqeeyaan dib u dhiska dalkooda”.
Sida la wada ogsoon 
yahay Dowlada Mareykanka ayaa arrimaha Soomaaliya ku lug laheyd 18kii sanno ee la 
soo dhaafay iyadoo markaasi lacag iyo hubba siin jirtay kooxo kala duwan oo 
isku heystay awoodda dalka laakiinse haatan lama oga halka ay iska taagi doonto 
mowqifka Soomaaliya inkastoo xiriirka Madaxweyne Sh. shariif iyo Mareykanka uu 
haatan wanaagsan yahay.
Ra’isal-wasaare Cumar 
Sharma’arke ayaa waxa uu sanadihii u danbeeyay joogay Niarobi, isagoo ahaa 
xiriiriyaha dowlada KMG iyo dowlada Mareykanka waa nin ay si fiican isku 
yaqaanaan safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya magaalada Niarobi, sidoo kale 
waxaa Ra’isal wasaraha cusub soo dhaweysay dowlada Canada oo uu muwaadin u yahay 
iyago ku tilmaamay in nin u dhashay kanada uu aslaaxin doono waddanka ay 
colaaduhu baabi‘iyeen ee Soomaaliya.