Madaxweyne Sheekh Shariif 
Sheekh Axmed ayaa intii uusan u duulin magaalada Jabuuti sheegay inuu wadahadal la yeeshay xubno ka mid ah kooxaha muqaawamada ee ka soo horjeeda heshiiskii Jabuuti ee dowladiisu lagu soo doortay.  
 
Kaddib shir jaraa’id oo uu maanta 
madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Sharif ku qabtay xarunta 
Madaxtooyada ayaa waxaa uu sheegay in intii uu gudaha magaalada Muqdisho ku 
sugnaa uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay hoggaanka gudaha ee 
Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed,  Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’uddiinka, Ururada Bulshada Rayidka, 
siyaasiyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaasoo uu madaxweynahu 
tilmaamay in uu kala hadlayay arimaha dib-u- heshiisiinta iyo sidii loola jaan 
qaadi lahaa isbedalka cusub , isla markaana loo badbaadin lahaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
 
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa Sidoo kale sheegay in dhamaan qaybihii ay wada hadleen ay isku afgarteen arrimihii ay ka wada 
hadleen, isla markana laga wada qeyb galo dowlada Midnimo Qaran oo dalka iyo 
dadkaba u horseedda  cadaalad.
 
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay  in lagu guuleystay, layskuna  afgartay in la dhiso guddiyo isku dhaf ah oo ka 
shaqeeya amniga heer qaran,heer gobol iyo wacyigelintaba, wuxuuna sheegay inay jiraan wadahadallo aan toos ahayn oo dhex maray dowladdiisa iyo kooxaha kasoo horjeeda.
 
Kadib shirkaasi jaraa’id ayaa 
madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee 
Aadan Caddde Airport ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Jabuuti 
ee dalka Jabuuti,halkaasi oo la sheegay in lagu soo magacaabayo Ra’iisul wasaare 
soo dhisay a xukumad loo dhan yahay.