Madaxweyne Shiikh Shariif iyo 
Wafdi uu hogaaminayo ayaa ayaa ka degay magaalada Addis Abeba  ee xarunta dalka Ethiopia si  ay uga qeyb galaan shirka madaxda Midowga Africa.
 
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya 
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay safarkiisa ku wehliyaan wafdi heer sare ah oo ay ka mid yihiin 
sii haya xilka Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo 
xubno ka tirsan barlamanka isku dhafka ah ayaa  
maanta barqadii ka duulay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka 
Jabuuti ayagoo ku sii jeeday magaalada Addis Abeba ee dalka Ethiopia halkaasoo uu ugu qeyb gali doono markii ugu horaysay kulan caalami ah oo ay leeyihiin 
madaxda Midowga Africa.
 
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa 
waxaa gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jabuuti ku sii sagootiyay xubno ka tirsan dowladda Jabuuti, barlamaanka Soomaaliya iyo ergadii beesha caalamka ee ka qaybgalay doorashadii ka dhacday halkaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh 
Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa inuu inta uu socdo shirka la kulmi doono madax fara badan oo Afrikaan ah, kuwaasoo sida la og yahay ay ka wada hadli doonaan arrimaha ku saabsan waddanka Soomaaliya iyo sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka ay Soomaaliya la leedahay waddamadaas.