Ururka Xisbul Islaam oo Dowladda KMG ku eedeeyey inay abaabuleyso dagaal


Xoghayaha Gaashaandhigga Ururka Xisbul Islaam Sheekh Muuse Carraale ayaa sheegay in ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay abaabulayaan dagaallo hor leh oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Sheekh Muuse Carraale ayaa dagaallada laga abaabulayo magaalada Muqdisho ku sheegay inay yihiin kuwo ay ka wada qayb qaadan doonaan ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM oo gacan ka heli doona dowladda Mareykanka iyo dowlado kale oo reer galbeed ah.

Xoghayaha Gaashaandhigga Xisbul Islaam waxa kale oo uu sheegay in ayaga dhankooda ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan weerarrada la filaayo inay soo qaadaan, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay arrimahaasi la socdaan.

Sheekh Muuse Carraale waxa uu beeniyey, kuna tilmaamay wax aan sal lahayn  warar beryahan laysla dhex marayey oo sheegaya inay socdaan dadaallo lagu wada hadalsiinayo Madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo  Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Ururka Xisbul Islaam ayaa qayb ka ah urur diineedyada ka jira waddanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Dowladda KMG ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif, wuxuuna gacanta ku haayaa degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood.

Add New Comment