Madaxweyne Sheekh Shariif oo Hillary Clinton kula kulmay magaalada Nairobi


Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Nairobi kulamo kula yeeshay  Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Hillary Clinton iyo Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki.

 

Kulanka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Hillary Clinton ayaa ka dhacay oo beryahan aad loo hadal hayey ayaa ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanku ku leedahay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.

 

Wadahadal albaabadu u xiran yihiin kaddib ayaa ayey Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa waxa ay qabteen shir jaraa'id oo su'aalo badan lagu weydiiyey, ayadoo Mrs Clinton ay halkaasi ka caddeysay sida uu Mareykanku u taageersan yahay Dowladda KMG Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif.

 

Sharif&ClintonBB.jpgMrs Clinton ayaa sidoo kale u ballan qaaday Dowladda KMG ee Soomaaliya in dalkeedu uu ka shaqeyn doono sidii beesha caalamka u taageeri lahayd Dowladda Soomaaliya iyo dadaalka loogu jiro nabad ku soo celinta Soomaaliya.


Xoghaye Clinton wax kale oo ay si buuxda u sheegtay in dowladda Maraeykanka ay sii laba jibbaari doonto taageerada ay siineyso Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.


Intii uu socday shirkaasi jaraa'id ayey Mrs Clinton sheegtay inaan loo dulqaadan doonin xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira Dowladda KMG, ayadoo si gaar ah carrabka ugu dhufatay dhaq-dhaqaaqa Al Shabaab.


Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uu isla magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal ee deriska ah iyo xaaladaha murugsan ee ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Jadwalka Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxa ka harsan kulamo uu caawa la yeelan doono mas'uuliyiin ka socota Midowga Yurub (EU), Wasiirka Ganacsiga ee dowladda Angola iyo xildhibaannada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi.



 


Add New Comment