Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminaya oo u ambabaxay magaalada Nairobi


sha2[1].jpgMadaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka dayaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa ayaa safarkooda lala xiriirinayaa kulan la sheegay in madaxweynuhu uu kula yeelan doono magaalada Nairobi Xoghayaha Arrimaha Dibedda waddanka Mareykanka Hillary Clinton.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlayey intii uusan ka duulin magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulanka uu magaalada Nairobi kula yeelan doono Hillary Clinton ay kaga wada hadli doonaan xariirka labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka iyo sidii Dowladda KMG ee Soomaaliya u heli lahayd taageerada beesha caalamka.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in dib loo dhisi doono ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayadoo maliishiyaadka ku sugan magaalada Muqdishona loo tababari doono sidii ay ugu biiri lahaayeen ciidamada Dowladda.

 

Madaxweynaha ayaa waxa safarkiisa ku weheliya Ra'iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cali Jaamac Jengeli iyo xubno kale.

Add New Comment