Tahriibayaal soomali u badan oo dib loogu celiyay wadanka Liibiya.


Dowladda Talyaaniga oo dib ugu celisay dalka Liibiya dooni siday in ka badan 70 tahriibayaal oo rag,dumar iyo carruurba leh, kadib markii aay soo gaareen  xeebaha Jasiiradda “SISALI”.Tahriibayaashaasi waxaa loo maleynayaa inay yihiin intooda badan dad Soomali ah.
 
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee ANSA, tahriibayaal watay dooni yar oo nuuca caagga ah ayaa shalay soo gaaray xeebaha Jasiiradda Sisali,halkaasoo ay ciidamada ilaalada badda ee Dowladda Malta ay ka qabteen Doonidaasi kaddibna ay dib ugu celiyeen  xeebaha dalka Liibiya oo ay markeedi hore kasoo shiraacatay.

Go’aanka dib loogu celiayay qaxootiga waxa uu daba joogo heshiis ay dowladaha Talyaaniga iyo Liibiya kala Saxiixdeen oo ku aadan sii loo joojin lahaa dadka sida sharcidarrada ah kusoo garayo dalka Talyaaniga.

Doonidani ma aha tii ugu horreysay ee dib loogu soo celiyo dalka Liibiya mana noqon doonto tii ugu dambeysay sida ka muuqato saansaanta qaxootiga tiradhaafka ah ee ku sugan wadanka Liibiya.
sidaasi darteed, waxaan sugaynaa jawaabta ay ka bixiyaan Tahriibayaasha iyo tabta cusub ee kaga hortagayaan dib usoo celinta Doonyahooda.

Add New Comment