Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah ku maraya waddanka Qatar ayaa maanta magaala-madaxda dalkaasi ee Dooxa kula kulmay Amiirka dalkaasi Sheekh Xamad bin Khaliifa Al-Thaani.
Madaxweyne Dowladda KMG iyo amiirka wadanka Qadar ayaa waxa ay kulankoodaasi kaga kawada hadleen xaaldihii ugu
danbeeyay ee dalka Soomaaliya, waxaana kulanka kasoo qayb galay Ra'iisul wasaaraha Dowladda Qatar ahna wasiirka aeeimaha dibedda Sheekh Xamad bin Jaasim bin Jabar Al-Thaani iyo mas'uuliyiin kale oo fara badan.
Madaxweyne Sheekh Shariif iyo amiirka dowladda Qatar waxay ay intii uu kulankoodu socday isla soo qaadeen xiriirka ka dhexeeya labada dal, sidii Qatar ay uga qayb qaadan lahayd wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya iyo taageero la siiyo Dowladda KMG ee Soomaaliya.
Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay waddanka Qatar uga sii gudbaan waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ay wada hadallo rasmi ah kula yeelan doonaan mas'uuliyiinta dalkaasi.