Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacbiga Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bisha Barakeysan ee Ramadaan, kuna baaqay in xabadda la joojiyo oo xalkana lagu raadiyo wada hadal.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ugu
hambalyeeyay bilshada bisha Barakaysan ee Ramadan, isagoona Allaah uga baryey in
dambi dhaaf, nabad, nolol, midnimo iyo barwaaqo gaarsiiyo Ummadda Soomaaliyeed
sanadkan kiisa kale ay ku gaareen bash bash iyo barwaaqo.
“Dhinacyada
naga soo horjeeda waxaan u sheegayaa in nabadda iyo midnimada laga shaqeeyo
maadaama dhibaato fara badan la soo maray, laguna jiro bisha Barakaysan ee
Ramadan, dadka dhibaataysanna loo gurmado sidii loo gar-gaari lahaa, cibaadadana
iyo Alle ka cabsigana la badiyo si looga baxo dhibaatada ka jirta dalka” ayuu
yiri Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha ayaa caddeeyey sida dowladdiisu uga go'an tahay inay wada hadal la furto xoogagga kasoo horjeeda soo loo dhammeeyo dhibaatada daba dheeraatay ee ku habsatay ummadda Soomaaliyeed ee aan qaadi karin dhibaatooyin dambe.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay waxa ugu
horeeya ee diinta Islaamka farayso ruuxa Muslimka ah wuxuuna yiri “Diinta
Islaamka waxa ugu horreeya ee farayso inay la badbaadiyo waa nafta, maalka iyo
sharafka qofka Muslimka ah, intaas haddii la helo waxyaabaha kale ee laga
tabanayo waxaa lagu gaari karaa wada hadal" ayuu yiri Madaxweynaha oo dalbaday
in la garab istaago cid kasta oo xaqa wada.