Mareykanka oo sheegay inay sii wadayaan taageerada Dowladda KMG iyo AMISOM


generalWWardBB.jpgTaliayaha ciidamada Mareykanka ka jooga qaaradda Afrika (AFRICOM) General William Ward ayaa waxa uu sheegay in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siiyo Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan magaalada Muqdisho.

General Ward ayaa muujiyey walaaca dalkiisu ka qabo colaadda ka jirta Soomaaliya, wuxuuna sheegay si arrintaasi xal loogu helo ay tahay in lasii wado taageerada la siiyo Dowladda KMG iyo ciidamada Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya.

William Ward waxa uu ammaan iyo mahad naq u jeediyey waddanka Kenya oo uu sheegay inuu saaxibtinimo iyo niyad wanaag ku aaddan dadaalka Mareykanka ee wax ka qabashada dhibaatada ka jirta Soomaaliya muddada ka badan 18-ka sano.

Generaalka ayaa ugu dambeyntii sheegay in wax walba ku dhammaan doonaan taageerada xagga farsamada ah ee uu Mareykanku siinayo ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Midowga Afrika ee jooga gudaha dalka Soomaaliya.

 

 


Add New Comment