Nigeria oo mar kale ku celisay inay ciidamo u soo direyso Soomaaliya


nigeriaminister.jpgDowladda Nigeria oo dhowr jeer oo hore ballan qaadday inay Soomaaliya ciidamo u soo direyso ayaa xaqiijisay dhowaan ciidamo ka socda waddankeeda ay u soo diri doonto Soomaaliya kuwaasoo qayb ka noqon doona ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee hadda ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Nigeria Ojo Maduekwe oo magaalada Nairobi kula kulmay dhiggiisa waddanka Kenya Mr. Musas Watagula ayaa xaqeejiyey sida ay dowladda Nigeria uga go'an tahay inay ciidamo u soo dirraan dalka Soomaaliya, asagoona intaa raaciyey inay sugayaan oo keliya in barlamaanka dalkaasi uu ansixiyo arrinta ku saabsan ciidan loo diro Soomaaliya.

Labada wasiir arrimo dibadeed ee Kenya iyo Nigeria oo aad ugu dheeraaday ka wada hadalka arrimaha Soomaaliya ayaa isla gartay sida ay Midowga Afrika muhiim ugu tahay wax ka qabashada dhibaatada daba dheeraatay ee dalka Soomaaliya.

Dalka Nigeria ayaa mar kasta kaalin weyn ku yeesha howlaha nabadeynta qaaradda Afrika, ayagoona horey uga soo qayb qaatay xallinta dagaalladi iyo khilaafaadkii siyaasadeed ee ka jiray waddamo badan oo ku yaal galbeedka qaaradda Afrika.

Add New Comment