Soomaaliyeey, Sideen usoo dhaweynaa Bisha barakaysan ee Ramadaan ?

Ummadyahay Illaahay iyo Rasuulkiisa Muxamad (caleyhi salaatu wa salaam) Rumeysay , waxaad cumri iyo caafimaad ku gaarteen  inay idiin soo marto  Bisha Ramadaan ee kheyka badan xambaarsan, waa bisha ugu fadliga badan bilaha sannadka oo dhan,sababtoo ah Illaahay wuxuu ka yeelay maalmaheeda mid isaga loo Soomo,Suunkuna waxa uu yahay Tiirka 4aad ee Islaamka, sida laga soo wariyey Rasuulkeenu (caleyhi salaatu wa salaam) « Islaamku waxaa laga dhisay Tiirar shan ah : 1.In aad Rummeyso Allah ,Nabi Muxamadna inuu yahay Rasuul Alaah, 2.Salaadda inad oogtaan.3.Sakada aad Bixisaan . 4. Bisha Ramadan inaad Soontaan.5.Guri Illaahay ee Kacbada inad u xajisaan haddii aad awood dhaqaal u yeelataan..


Sidaasi ayaa  la faray Ummadda Islaamka inay Sooman maalmaha Ramadaan , Habeenkiisuna ay Salaadda Taraawiixda ay Tukadaan, Quraan aqriskana ay badiyaan, xumaanta teeda qarsoon iyo tan muuqatana ay ka dhowrsadaan ,Haddaba  qofkii Illahay haleeshiiya waxaa habeenada Tobanka dambe ee bisha Ramadaan kuwooda kisiga ah (21,23,25,27iyo 29)ku jirta Habeen aad u kheyr badan ,waa habeenkii Quraanka loo soo dajiyey Samadda Adduunka , habeenkaasi waxay u dhigmaa ajarkeeda adigoo cibadaytay 83 sanno,Habeenkaasi kheyrka badan waxaa loogu magac daray Leylatul-Qadar.


Illaah nabigiisa waxa laga wariyey « waxaa idiin yimid Bisha Ramadaan oo ah bil kheyr badan,Illahayna waxa uu idiinku waajib yeelay inaad bishaasi maalmaheeda aad Soontaan.


Kheeraadka Bisha Ramadaan waxaa la furaa dhammaan Albaabada Jannada, waxaana la xiraa Albaabada Naarta, waxana la oodaa oo la xir-xidaa Shayaadhiinta, waxaana dhexda bishaasi ku jira  habeen ka  kheyr badan 83 sano, Qofkii ka faa’ideysan waayo kheyraadka  bishani waa qof hoogay » .


Aqristayaasha  website-ka www.SilGor.com   iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo dhan meel kasta oo ay dunidan ka joogaan,  waxaan iskula dardaarmaynaa,  bisha  Ramadaan inaan si wannaagsan u soo dhaweyno kana guddoono kheyraadka ay noo sido, xumaan oo dhanna aan ka fogaano ,Illaahayna aan weydiisanno dembi dhaaf iyo anuu nabadda ka dhuntay Ummadda Soomaaliyeed ee lasoo heli waayay muddada aadka u dheer  inaan  ka barino Illaahay Bishan Ramadaan gudaheeda inuu noogu soo celiyo  isagaa awood badan.

Add New Comment