Ciidamada Dowladda KMG ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa saakay aroornimadii hore waxa ay dagaal ku soo qaadeen degmada Buulo Burte ee isla gobolkaas oo ay ku sugan yihiin xoogag ka tirsan Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.
Dagaalkan oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayey ayey wararku sheegayaan inuu hadda ka socdo gudaha degmada Buule Burte oo ay saakay soo weerareen ciidamada Dowladda KMG, ayadoo xoogagga Al Shabaabna lagu soo warramayo inay si aad ah isu difaacayaan.
Weli si dhab ah looma oga qasaaraha uu dagaalkani geystay, waxayse warar isa soo taraya sheegayaan in halkaasi laysku weydaarsanayo hub cul culus, ciidamada dowladduna ay aad ugu mintidayaan inay xoog kaga qabsadaan xoogagga mucaaradka ee ku sugan gudaha degmada.
Wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda degmada Buulo Burte kala socda shabakadda wararka SilGor.com insha'Allaah.