Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo saakay u awood sheegtay xoogagga mucaaradka

asaultBB.jpg
Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo ay la socdaan kuwa AMISOM oo watay gawaarida gaashaaman iyo taangiyo ayaa saaka waxa ay isku fidiyeen  Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo ay fariisimo ku lahaayeen  xoogagga dagaalka kala soo horjeeda Dowladda ee Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM  oo saaka aroornimadii hore  weerarka qaaday ayaa waxa ay gaareen goobo ku yaal waddada warshadaha oo ay ku jiraan xaruntii wasaaradda gaashaandhigga, garoonka Muqdisho Stadium, xaruntii XHKS iyo goobo kale oo ku dhowdhow.

Kooxaha dowladda ka soo horjeeda ayaa dagaal kala hor yimid cidamada, waxayna goobahaasi isku weydaarsadeen hub culculs, ayadoo markii dambena si dhib yar ugu suurta gashay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo is kaashanaya inay gaaraan dhammaan fariisimadii ay ku xoogganayeen xoogagga mucaaradku.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa markii dambe dib ugu soo laabtay fariisimadii ay markii hore ka duuleen, ayadoo tallaabadan ay qaadeen cidamada dowladda lagu micneeyey inay ahayd tijaabo ay ku sameeyeen awoodda xoogagga ka soo horjeeda ee beryahan dambe uu culeysku ka heystay aagag fara badan oo ay kaga sugnaayeen koonfurta dalka oo dagaallo culus lagu soo qaaday.

Dagaalka saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaan weli la ogeyn qasaaraha uu geystay ayadoo goobaha ay dirirtu ka dhacday ay intooda badan yihiin goobo ay deggan yihiin dad rayid ah, kuwaasoo inta badan ay dhibaato ka soo gaarto dagaallada ka dhaca magaalada Muqdisho.


Add New Comment