Ahlu Sunnah oo la wareegay Beled Xaawo


newSomFlaggBB.jpgWararka ka imanaya degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in aroornimadii hore ee saakay ay ciidamo ka tirsan culuma'udiinka Ahlu Sunnah Wal Jamaacah la wareegeen gacan ku haynta degmadaasi oo ay horey ugu sugnaayeen xoogagga Xarakarul Shabaab Al Mujaahidiin.

 

Ciidamadii Xarakatu Shabaabul Mujaahdiin ayaa lagu soo warramayaa inay gebni ahaanba isaga baxeen degmadaasi iyadoo aan wax dagaal ah ka dhacin,waxaan wararka qaar ay haatan tibaaxayaan in fariisimo dhowr ah ay ka sameysteen ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Magaalada  Balad Xaawo.
 
Xoogagga Ahlu Sunnah Wal Jamaacah ayaa durbaba isku fidiyey xarumihii horey fariisimada ugu ahaa xoogaggii Xarakatul Sahabaab Al Mujaahiddin ee gudaha iyo hareeraha degmada Beled Xaawo, ayagoona sida lagu soo warramayo Ahlu Sunnah ay gudaha magaalada ka taageen calankii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee buluugga ahaa.
 
Waxa kale oo ay cabsi xooggani ka jirtaa degmada Luuq ee isla gobolka Gedo kaddib markii la sheegay inay halkaasi u sii ruqaansadeen ciidamo kale oo taabacsan urur diineedka Ahlu Sunnah wal Jamaacah xilli ay ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee halkaasi ku suganna ay difaac ka sameysteen dhammaan waddooyinka soo gala degmada.
 

Qabsashada Ahlu Sunnah wal Jamaacah ee degmada Beled Xaawo ayaa timid xilli ay maalmihii ugu dambeeyey dagaallo ba'an oo u dhexeeyey xoogagga Ahlu Sunnah Wal Jamaacah iyo xaraakaadka Xisbul Islaam iyo Shabaab Al Mujaahisddin ka socdeen goobo ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaasoo Ahlu Sunnah ay guulo waaweyn ka sheegteen, ciidankooduna uu soo gaaray qaybaha waqooyi ee gobolka Shabeellada Dhexe.


Add New Comment