Diyaargarow dagaal oo laga dareemayo dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho


officersBB.jpgSaraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISON iyo kuwa Dowladda KMG ayaa waxaa ay wadaan qorshe dagaal oo saf ballaaran ah oo ay ku qaadaan fariisimada ay magaalada Muqdisho kaga sugan yihiin xoogagga Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab.

Waxaa maalmahan dambe socday kulamo isdabajoog ah oo ay yeelanayeen xubnaha Guddiga Ammaanka oo ay ku mideysan yihiin saraakiil ka tirsan Dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM kuwaas oo lagu darsayey sidii awood loogu maquunin lahaa xoogagga dagaalka kula jira dowladda ee gacanta ku haya inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho.

Dhinaca xoogagga Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ayaa ayaguna dhankooda laga dareemayaa inay wax ka beddeleen qaabkii dagaalka oo ay aagaggii ay horey ugu sugnaayeen qaarkood banneeyeen.

Dhanka kale waxaa is dhimay weerarradii ay kooxaha mucaaradku ku qaadi jireen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, lamana oga sabata keentay, laakiin warar laysla dhexmarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogagga mucaaradku ay ka yaraatey saanaddii ay heysteen.

Dadka tirada yar ee ku haray gudaha magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la filan karo dagaal weyn oo mar kale dhinacyada iska soo horjeeda ku dhex mara magaalada, kaasoo haddii uu qarxo keeni doona qasaare naf iyo maalba leh oo aad uga baaxad weyn kuwii hore, waayo ciidamada Dowladda iyo AMISOM ayaa doonaya inay gacan ku haynta magaalada xoog kula wareegaan.



Add New Comment