Ciidamada Maxkamadaha oo la wareegay ammaanka Isgooyska Sanca ee magaalada Muqdisho


maxkamadahaB.jpgCiidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ayaa maanta duhurnimadii  la wareegay gacan ku heynta Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan, iyadoona Ciidamada ay sidoo kale fariisimo ka sameysteen qeybo ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Wararka aanu ka heleyno Isgoyska Sanca ayaa sheegaya in Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay aaggaas durbabab ka billaabeen sugidda ammaanka, iyagoona taagan hareeraha waddooyinka soo gala Isgoyska.

Waxa sidoo kale ay Ciidamada Maxkamadahu ayaa  fariisinno ka sameysteen Dugsigii Max'ud Axmed Cali ee ku dhow Isgoyska Sanca, waxaana la sheegay in Ciidamada ay sugi doonaan ammaanka wadada isku xirta Sanca iyo Fagax.

Goobahan ay maanta la wareegeen Ciidamada Maxkamaduhu ayaa ah goobo aanay horey u joogi jirin ciidamada Dowladda, laakiin ay mararka qaar soo gaari jireen ciidamada Muqaawamada qaybaha kasoo horjeeda Dowladda, dhaqdhaqaaqan ayaa u muuqanaya mid ay Maxkamadaha garabka raacsan dowladda isku sii fidinayaan goobo hor leh oo magaalada ah.

Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha oo lagu magacaabo Saadaq oo Wariyeyaasha kula hadlay Dugsigii Max'ud Axmed Cali ayaa sheegay inay ka tirsan yihiin Dowladda KMG, waxaana uu tibaaxay in ay ammaanka sugi doonaan.


Add New Comment