Markab laga leeyahay waddanka Denmark oo lagu qafaashey xeebaha koonfureed ee Soomaaliya


Warka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya  in koox burcad badeed Soomaali ah ay gacanta ku dhigeen markab xamuul oo  laga leeyahay dalka Denmarka sidayna xamuul gaaraya ilaa 17.000 tan.

Burcad badeedda  ayaa sida la sheegay waxaa ay Markabkaan ka afduubeen meel 400KM u jirta magaalada Muqdisho,waan markii ugu horaysay oo kooxburcad ah ay ku guulaystaan in ay gacanta ku dhigaan markab maraya Biyaha Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Markabkaan ayaa waxaa saaran sida warar soo baxay ay sheegayaan shaqaalo gaaraya ilaa 21 ,shaqaalaha ayaa waxaa ay badankood u dhasheen dalka Maraykanka,Markabka ay kooxdaan Soomaalida ay qabsadeen ayaa waxaa lagu magacaabaa Maersk Alabama waxaanna la ogayn ilaa iyo hadda halka ay kooxdii afduubtay Markabka ay ula dhaqaaqeen.

Qabsashada Markabkan ayaa waxay ku soo aadeysaa waqti ay xeebaha dalka Soomaaliya ku sugan yihiin maraakiib dagaal oo aad u fara badan kana kala socda waddamo badan oo adduunka ah oo halkaas u jooga si ay u sugaan ammaanka maraakiibta gannacsi ee isaga kala goosha Afrika, Asia iyo adduunka intiisa kale.



Add New Comment