Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Besancon oo gurigiisa ku booqday Prof. Gaandi


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Besancon ee waddanka Faransiiska ayaa waxa ay fiidnimadii xalay oo ay taariikhdu ahayd 03/04/2009 guriga uu magaalada Besancon ka deggan yahay ku booqdeen Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya mudane Prof. Maxamed Cabdi (Prof. Gaandi)  fiidnimadii xalay oo ay taariikhdu ahayd 03/04/2009.

Salaam iyo soo dhoweyn kaddib ayaa waxa uu wasiirku uga warramay xubnahaa jaaliyadda Besancon ee aqalkiisa ku soo booqday xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan xaaladda magaalada Muqdisho, wuxuuna u xaqeejiyey jaaliyadda sida dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ay uga go'an tahay inay sii waddo dib-u-heshiisiinta.

Sidoo kale xubno ka tirsan Jaaliyadda oo halkaas ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Dr. Jeylaani Xasan Xaaji, Nabaddoon Maxamed Sheekh Wali, Dr. Cabdirasaaq Sheekh Bashiir (Xanafi), Caaqil Maye Cali Maye, Eng. Liibaan Cabdulqaadir, Axmed Maxamed Sheekh, Xasno Liibaan Cabdulqaadir iyo qaar kale oo fara badan ayaa ayaguna u caddeeyey taageerada ay u hayaan Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo xukuumaddiisa, gebagebadiina ugu duceeyey walaalkood Wasiirka Gaashaandhigga Prof. Gaandi inuu Allaah la garab galo howsha weyn ee uu u haayo ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena ka codsaday inuu salaam ka gaarsiiyo Madaxweynaha, xukuumadda iyo dhammaan shacbiga Soomaaliyeed,

Prof. Maxamed Cabdi (Gaandi) ayaa intii aan loo magacaabin wasiirka gaashaandhigga ka hor degganaa isla magaaladaas Besancon ee waddanka Faransiiska, kana tirsanaa odayaasha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Besancon.
 jaaliyadda.jpg

Add New Comment