Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib  markii uu magaalo-madaxda waddanka Qatar ee Dooxa kaga soo qayb galay shir-madaxeedkii  21-aad ee waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta. 

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay  madaxda sar sare ee dowladda sida ra’iisal wasaaraha xukuumada Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiisha ciidamada booliska iyo mileterigaba.

Madaxweynaha ayaa waxa loo soo daadihiyey Xarunta Madaxtooyada halkaasoo uu kaga warbixiyey safarkii dhowrka maalmood qaatay ee uu kaga qaybgalay shirmadaxeedkii dowladaha Carabta ee ka dhacay magaalada Dooxa ee waddanka Qatar, ayadoo madaxweynuhu uu sheegay in guud ahaan arrimihii shirkaa lagaga hadlay oo ay ku jirto arrinta Soomaaliya dhammaantood ku soo dhammaadeen guul iyo is-afgarad.

Waxa sidoo kale ayagana warbixin ku saabsan xaaladda dalka siiyey guddoomiyaha barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke.


ShShariif.jpgairport.jpg




Add New Comment