Dowladaha Carabta oo kaalmo dhaqaale u fidiyey Dowladda Soomaaliya


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qaybgalayey kulan madaxeedkii 21-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay magaalo-madaxda waddanka Qatar ee Dooxa ayaa ku guuleystay inuu soo jiito dareenka madaxdii Carbeed ee kulankaasi soo xaadirtay.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay dowladdiisu heystaan dhibaatooyin fara badan oo ay ugu waaweyn yihiin ammaanka iyo dhaqaalaha ayaa helay taageerada madaxda Carabta, kaddib markii loo ballan qaaday kaalmo dhaqaale oo wax lagaga qabanayo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo adeegga guudba.

Kasokoow qudbaddii uu ka jeediyay kulan-madaxeedkii  Carabta ee Dooxa ayuu haddana madaxwene Shariif kulamo gooni gooni ah ula yeeshay boqorrada iyo madaxweynayaasha Carbeed, kuwaasoo uu dhammaantood uga warbixiyey taageerada dhinac kasta leh ee ay Soomaaliya waqtigan xasaasiga ah u baahan tahay iyo weliba in gargaar deg-deg ah lala soo gaaro shacbiga Soomaaliyeed ee ay colaaduhu aafeeyeen.

Intaas kaddib ayey madaxda Carabtuna isku waafaqeen in Dowladda Soomaaliya bil walba la siiyo lacag dhan 3 million oo doollarka Mareykanka ah, si ay howlaha horyaala ugu sii wadato, waxaana lacagahaas loogu tala galay dhismaha Ciidamo qaran iyo mushaaraadka shaqaalaha Dowladda.

Waa taageeradii ugu ballaarneyd ee Dowladda Soomaaliya ka hesho waddamada Carabta, tan iyo markii lagu soo dhisay waddanka Jabuuti, ayadoo sidoo kalena dabayaaqadii bishii tagtay ee Maarso ay dowladdu ka heshay Midowga Afrika  adduun dhan 1 million oo dollar.

Add New Comment