Qaar ka mid ah Jaaliyaddaha UK oo Mudane Kaneeco u wakiilatay deeq lacageed oo lagaarsiinaayey nin Somaliyeed oo la ildaran buro weyn oo wejiga kaga soo baxday

Qaar ka mid ah Jaaliyadaha Somalida ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa deeq lacageed soo gaarsiiyey Xasan Cali Isaaq oo ah nin soomaaliyeed oo la ildaran buro aad weyn oo wejiga uga soo baxday taasoo dhaqaatiirta Somaliyeed ay horey u sheegeen inaan dalka gudihiisa waxba loogdeeqdhiibe kaneeco.1.jpga qaban karin.

Deeqdan lacageed oo ka koobneyd $350 (Saddex boqol iyo konton Dolar) ayaa waxaa soo diray wakiilna ka ahaa dadkii iska soo ururiyey Xaawo sheekh Axmed (Xaawo taako) oo ka mid ah gabdhaha Jaaliyada Somaaliyeed ee dalka Ingiriiska, waxaana la soo mariyey Maxamed Maxamuud Kabayare (Kaneeco) oo ka mid ah waxgaradka magaalada Muqdisho oo isna isla maanta gaarsiiyey Xasan Cali Isaaq oo lagu baxnaaninayo guri ku yaala xaafada Siigaale degmada Hodan ee magaalada Muqdisho
Jeelle Cali Isaaq oo ah ninkaasi burada la ildaran walaalkii ayaa ka mahad celiyey deeqdaasi ay soo gaarsiiyeen qaar ka mid ah jaaliyadaha Somalida ee dalka ingiriiska, wuxuuna ugu duceeyey inuu ILAAHAY siiyo bedel ka qeyr badan, waxaana sidoo kale munaasadadaasi ka hadlay Maxamed Maxamuud Kabayare (Kaneeco) oo sheegay in xubnaha soo diray lacagtan oo ay wakiil u aheyd Xaawo Sheekh Axmed (Xaawo Taako) ay arintan ku dhalatay markii ay ka naxeen muuqaalka ninkan walaalkood ah ee la dhibaataysan burada wejiga uga soo baxday oo ay ku arkeen website-ka Dayniile oo ku baahiyey caalamka, isagoo ALLE uga baryey inuu siiyo caafimaad taam ah. deeqdhiibe kaneeco.jpg

Add New Comment