Milateriga Itoobiya oo maanta faarujiyey mid ka mid ah xeryihii ay mudada dheer ka degenayeen gudaha magaalada Baydhabo

ciidamo Itoobiyaan.jpgMilateriga Itoobiya oo maanta faarujiyey mid ka mid ah xeryihii ay mudada dheer ka degenayeen gudaha magaalada Baydhabo
Ciidamada Itoobiya ayaa barqanimadii maanta gebi ahaanba ka guuray xerada warshadii hore ee Xasey oo ku taala duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida wararka halkaasi naga soo gaaraya ay sheegayaan.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo degenaa warshadii hore ee Xasey oo ku taala magaalada baydhabo ayaa la sheegay iney ka ruqaansadeen halkaasi iyagoo wata illaa 10 gaari oo nooca ciidamada lagu daad gureeyo ah, taangiyo iyo gawaari nooca dagaalka ah.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay u ruqaansadeen dhinaca wadada u baxda gobolka Gedo oo tagta xadka labada dal ee Somalia iyo Itoobiya, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in ciidamadaasi sii socda ay ku sii dhowaayeen degmada Berdaale ee gobolka Bay oo ay ku xoogan yihiin kooxaha ka horjeeda ciidamadaasi.

Lama oga ilaa hadda in ciidamadan Itoobiyaanka ah ee ka baxay magaalada Baydhabo ay halkaasi dib ugu soo laaban doonaan iyo in kale, iyadoo talaabadaasina ay ku soo beegantay xilli habeenimadii xalay ay soo gaareen magaalada Baydhabo ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhinaca dalka Itoobiya.
Sidoo kale, talaabadan ay ciidamada uga baxeen qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo ayaa ku soo beegantay xilli maalmo ka hor ay Itoobiya shaacisay iney ciidamada ka jooga Somalia kula bixi doonto muddo bil gudaheed ah guud ahaantood.

Add New Comment