Markabkii Ukrain MV Faina oo sii dayntiisu la saadaalinayo

Xafiiska Barige Africa u qaabilsan isu-socodka badaha ayaa sheegay inay socdaan wadahadalo ku saabsan sidii loo sii deyn lahaa  Markabka laga leeyahay dalka Ukraine ay burcadbadeedu ku heystaan xeebaha Somalia.

 Andrew Mwangura oo u hadlay hay'adda ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan wadahadalo kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ku sii daynayaan markabka laga leeyahay dalka  Ukraine ee wada in ka badan 30 tank iyo qalab miletari oo kala duwan.

 Mwangura wuxuu sheegay inuu jiro dadaal la xariira in wadahadal lagu dhammeeyo arrintan markabkan oo in muddo ahba soo jiitameysay, loona sii daayo markabka sida ugu dhaqsiyaha badan.

 Burcadbadeedda soomaalida ah ayaa markabka MV Faina waxaa ay qafaasheen 24kii September, markaasuu waday saanad military oo qiimaheedu malaayiin dollar lagu qaddaray.

Add New Comment