Isbaarooyin yiil waddada Afgooye oo uu Maamulka cusub ee G.Banaadir ku beddelay kuwo kale

isbaaro.jpgMaamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa maanta ka qaaday wadada isku xirta magaaladan Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose isbaaro halkaasi u tiilay ciidamada DF iyo maleeshooyin kale oo madax banaan taasoo lacago sharci darro ah looga qaadi jiray Gadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka ee u kala goosha gobolada Banaadir iyo Sh/hoose.
Isbaaradan oo dadku u yaqaanaan Sarkuusta ayaa aheyd isbaarada ugu weyn ee dadka iyo gaadiidka wadadaasi isticmaala lagu dhibi jiray, waxaana isbaaradasi ciidamada ku sugnaa ay horey u dileen dad rayid ah oo ay kala dageen gawaarida halkaasi marta iyo kuwo kale oo iskugu jira darawalada iyo kirishbooyada gaadiidka oo ay iyana ay u dili jireen sababo la xiriira marka ay muran ka keenaan lacagaha baada ah ee laga qaadi jiray, iyadoo isbitaaladaasi ay dhowr dheer weeraro ku qaadeen xoogaga ka soo horjeeda Df iyagoo halkaasi ku dilay qaar ka mid ah ciidamadii ku sugnaa.

Mas’uuliyiinta maanta gaaray deegaanka Sarkuusta ayaa hogaaminayey C/fitaax Ibraahim Shaaweey oo ah gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay ciidamada halkaasi ku sugnaa ku bedeleen ciidamo ka tirsan maamulka degmada Dayniile iyo kuwo kale oo ka tirsan kuwa ilaalinta deegaanka oo ay sheegeen mas’uuliyiinta halkaasi booqatay iney qaab sharci ah ku qaadi lacagaha canshuuraha ah ee halkaasi looga qaado gaadiidka, iyagoo kula dardaarmay ciidanka cusub ee halkaasi la dhigay iney bulshada wadada isticmaaleysa u naxariistaan oo aaney wax dhibaato ah u geysanin.

Add New Comment