Sheekh Shariif oo beesha caalamka ka dalbaday ciidamo amaanka suga

Guddoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta soomaaliya garabka jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa beesha caalamka waxa uu ka codsaday in ciidamo kasocda beesha caalamka loo soo diro Soomalaaya si ay wax uga qabtaan amaanka gudaha dalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamo ka socda beesha caalamka la keeno soomaaliya haddii ay baxaan ciidamada Itoobiya ee ku sugana gudaha dalka Soomaaliya.

sh.shariif askari.jpgSheekha ayaa sheegay in ciidamadani ay yihiin kuwo sugaya amaanka dalka Soomaaliya,waxaana la ogeyn goorta ay imaanayaan  Soomaaliya ciidamada uu dalbaday Sheekha kuwaasoo ka iman doona beesha caalamka..

Xoogaga kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada ajaanibta ayaa shegay in ay la dagaalamayaan ciidamada shisheeye oo lafilayo in ay yimaadaan gudaha dalka soomaaliya oo ay la mid yihiin ciidamada Ethiopia,Uganda iyo Burundi.

Lasoco markasta silgor.com

Add New Comment