Sheekadii HEYBE  IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY. 
  
Cutubka 2-aad:- HAL-XIRAALIHII HAMIGA. 
Qeyb-ta 5aad. 
 
 
Iyagoo
 ku gudo jira howl maalmeedkoodii, meheradoodiina maareynaya, ayaa waxaa
 dukaankii mudh soo yiri dhowr gab-dhood oo si wada jir ah u socda, 
waxayna bilaabeen inay weydiin iyo kaas immisaad siisaan iyo keer soo 
qabo ku mash-quuliyaan. 
  
Muddo
 saacad ku dhow ayay-na had-ba gees ka istaagayeen dukaankii, sida runtu
 tahay uma socon in ay wax gataan, waxayse ahaayeen kuwo u soo baxay 
inay ku soo ilwaadsadaan waxyaalaha kala duwan ee ganacsiga suuqa u 
yaala, ama howaarta si kale u dhigee guri joog u soo baxay lugo daalin, 
qaab dhaqankoodana waxaa ka carooday Siciid, oo si kulul uga dalbay inay
 faaruqiyaan dukaanka haddii aanay wax iibsanayn, waxaase ka difaacay 
Heybe oo ku yiri:- 
  
Heybe:-
 War gabdhaha sidaa ha ula hadlin, oo ka ilaali hadalka adag ileyn waa 
dumare. Iyagiina wuxuu ku yiri soo dhowaada, dukaanka wax baad ku 
leedihiine, markuu sidaa leeyahay wax-baa saaqay isaga, dareen siloon 
baana sibiq ku galay….xaalkiisuna waa ISMA WADEE WAX BAY 
WADA….ama……………………………KADISOW IGU SOO GALAYEE.
 
Gab-dhihii
 muraad la’aanta u soo galay dukaanka mid ka mid ah ayaa saameyn ku 
yeelatay Heybe, ogaal la’aan ayay-na indhihiisu ku maqnaayeen iyadaas, 
humaageeda ayuu si himbiriirsi ah ugu dheygag-sanaa, haddii ay tiisu 
ahaaneyso wuxuu dalban lahaa in ay iska sii joogto oo had-ba shey 
weydiiso, maxaa daarey igaarka…..yaa kugu dhaama…gab-dhihii iyada la 
socday ayaa hoosta iska gujiyay si ay isu tusaan sida uu wiilakni ugu 
maqan yahay saaxiibtood. 
  
Lo’duba
 way taqaan wadada ceelka geysa, Heybana wuu yaqiinsaday in gabadha 
xaggeeda looga yeeraayo, HADDAAN YARTA DEYN LAHAA….adigu dhameys-tiro,  si
 aysan u noqon mar la arag la dhuumata saameyn-teeda ayuu si wada jir ah
 uga dalbay magacyadooda iyo halka laga heli karo ee loogu soo hagaagi 
karo, haddiiba baahiyi timaado. 
  
“Midaa
 xagga u xigta waxaa la yiraahdaa Nadiifo, tan ka sokeysana waa Fartuun,
 anigana magaceygu waa Haweeya, idinkana magacyadiina soo daaya” 
  
Sidaa
 waxaa uga jawaabtay codsigii Heybe middii miidaan-tiisa kicisey ee 
maankiisu ku mashquulay, is-na wuxuu u sheegay magaciisa, iyo kan 
Siciid, Haweeyana waxay u raacisay inay lugta soo marin doonaan markii 
ay suuqa u soo baxaan-ba, markii ay sidaa leedahay-na waxay si xalad leh
 u dabooleysay inay sheegto goobta degaanka u ah. 
  
Si
 kastaba, hadalkeedu wuxuu farxad geliyay Heybe oo si uu u muujiyo 
qushuuca qalbigiisa buuxiyay qosol dhoola caddeyn ah dhag ka siiyay, 
umase suurto gelin in uu helo barta rasmi ahaan ay ugu hoydaan ee raaska
 u ah, intaa kadibna gab-dhihii oo xishood dumarnimo laga dareemi karo 
ayaa albaabka ka degay. 
Wax baa madlanaa mooyee gab-dhuhu iskama soo gelin dukaanka, daruuraa curtay oo dusha darre ka dadey dhulkii,  cirkii
 baa is xirey, seermo weydaa is keentay, saxan-saxadeedii  baa saaqdey 
Heybe,  mahiigaan jaceyl baa onkoday, hilaac arrami siduu wagagac ka 
siiyey,  dabeylo aan dareen mooyee indho lagu arkeyn baa xawaareeyay. 
  
Laamo
 rucubyo miraa ku teedsan yihiin baa ruxmanaya, hirar baa is daba socda,
 Mowjado dhaadheer baa rogmanaya, oo maxay sidaan, farxad, rajo, 
mustaqbal iyo aayatiin, mise uur ku taalo, urugo, argagax, ayaan daro, 
yaa og, wax badan oo ku dahsoon xilliga haddii hor-dhac ahaan loo sii 
ogaan lahaa show macaanka nolosha ayaa dhumi lahaa, maalmuhu sugid ayay u
 baahan yihiin mooyee wey imaan, DEG-DEG DOOR MA DHALEE aan isku deyno 
waqtiga iyo Heybahan jaceyl-ku u soo martiyey.
 
La soco qeyb-ta xigta.
 
Hal-abuurkii:- 
C/naasir Dalmar Maxamed. 
[email protected]=