Cutubka 4-aad:- Farxadi waa naxdin.
Qeyb-ta 15aad
 
Sidii
 loo gudo galay Qaxa markii ugu horeysay ayay inta badan ee reerkani 
noloshu isku keentay, intii ku nooleyd gurigii Xaaji dhengad labo ruux 
mooyee intii kale haatan degal qura ayay dugaashanayaan, X. Dhengad oo 
xijaabtay dunidana ka xawaareeyay, iyo Nafiso oo ku soo hartay Mombasa 
ayaa ka maqan degaankan cusub ee Nairobi, kaasoo ay ku soo idlaadeen 
reerku.
 
Soo guuritaanka waxaa faa’iido gaar ah ka helay Hooyo Libin, waxay is heleen  qaar
 badan oo ka mid ah islaamihii ay isku yaqaaneen Xamar, inta badan waxay
 mash-quul ku ahayd waqti la qaadashada dumarkaas ay muddada is 
moogaayeen, qof ahaana waxay dhex gashay jewi cusub, oo waxay ka 
reysatay keli yuurarkii guriga, maadaama ay heshay asxaab ay booqato, 
iyaguna soo booqda.
 
Heybe
 dhankiisana wuu la dhacsan yahay dib u midowga reerka, waxaana u soo 
baxay firaaqo badan oo uu ku fiir-fiiriyo jaceylka ku soo foogan, 
maadaama uu Hire ku soo biirey how-sha dukaanka, intii uu u baahan yahay
 oo fasax ah ayuu heli karaa, wuuna u faro banaan yahay furdaaminta 
faalka caashaq ee isaga ku soo foorara, kuna soo fadhi xun.
 
Maalmihii
 ugu dambeeyay wuxuu ka cudur daartay in uu furo dukaanka, wuxuuna imaan
 jirey xilligii ay la noqoto, sidii caadiga u ahayd ayuu goor barqo u 
soo talaabo qaaday xaggii dukaanka, maalintaana wuxuu dareemayay farxad 
uu garan waayay waxa u sabab ah, isagoo isla yaaban, oo meel saari la’ 
farxada hareysay, welina aan helin waxay farxadu ku soo maagtay ayuu soo
 gaarey dukaankii, mise waxaa dhex taagan Haweeya oo qosol debecsan dhag
 ka siineysa, filan waa ayaa fara saarey, markaasuu hadalkii heli 
waayay, wuxuuna ka badin waayay in uu dhinacyada fiir-fiiriyo, 
miskiin....waxaa curuqyada jirkiisa culeys saarey lama canaantaanka 
calanka leh, kaa oo ay dadku u yaqaanaan CAASHAQ.
 
Sidiisoo
 kale lama saarnee salaan ay ku iidaantay dhoola cadeyn ilko muujin ah 
ayay u soo dawisay xaggiisa, isagood moodo oday low-low ah oo carabku 
dheelinaayo hadalkana aan toos u celin karin ayuu ka qaaday salaantii, 
intii madasha joogteyna waa dareemeen in burjigeedu afka ciida u daray 
aasaartiisii qofnimo, Siciid oo bilow iyo dhammaad arrimihiisa ula 
socday ayaa u soo taagay koob qaacaya oo shaah ah, bal inuu diirimaad ka
 helo kuna kululeeyo dareenkiisa la duqeeyay.  
 
Markii
 uu dhowr kol qac ka siiyay shaahii uu Siciid ku soorey ayaa dhidid 
kululi ka hoorey, wuxuuna bilaabay in uu hadlo, malaha wahabkii la 
sheegi jirey ayaa ka duuley, kaftan dhalinyaradu isku tuurtuureysay 
ayuuna qeybtiisa ka qaatay, iyagoo si xifaaltan ah u wadaagayay eedaha 
ay aalaaba raga iyo dumarku isku jeediyaan haddii ay meel ku kulmaan, 
wuxuuna Heybe difaacayay dumarka si uu garab u siiyo iyada oo keli ku 
ahayd dooda ka dhanka ah dumarka.
 
C/naasir Dalmar Maxamed.
[email protected]=