Ciidamo Ethiopian ah oo xalay gudaha u galay magaalada Baydhabo

Ciidamada Ethiopia oo ka yimid dalka Ethiopia ayaa waxa ay soo gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay xili dowlada Ethiopia ay sheegtay in ciidamadeeda ay kala baxeyso gudaha dalka Soomaaliya.

Ciidamadaan oo gaaraya 100 askari oo ku hubeysan hubka nuucyadiisa kala duwan,waxaana ciidamadaan ay xalay soo galeen gudaha magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bay

Lama oga uarmy itoobiya.jpgjeeda ay ciidamada Ethiopia ay u soo galeen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay,laakin wararka ayaa sheegaya in dowlada Ethiopia ay dooneyso in ciidamo kale ay soo galiso gudaha dalka soomaaliya.

Ciidamada Ethiopia ee xaly soo galay gudaha magaalada baydhabo ayaa ku soo aadaya xili isbaheysiga jabuuti ay sheegeen in Ethiopia ay ciidamadeeda kala baxeyso gudaha dalka soomaaliya

Majiro war ka soo baxay dowlada Ethiopia iyo dowlada KMG oo ku aadan ciidamada Ethiopia oo xalay soo galay gudaha dalka soomaaliya.

Add New Comment