Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacay xerada Asluubta

Xoogaga al-shabaab ayaa goor dhaw madaafiic waxa ay ku garaaceen xerada Asluubta oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia taasi oo qal galisay gaadiidka Bl-ka ee isticmaala wadada isku xirta muqdisho iyo Afgooye.

Inka badan 10- hoobiye ayaa gudaha u galay xerada asluubta,waxaana ciidamadahoobiye.jpg Ethiopia ay ka bixiyeen jawaab aad u xoogan oo aan la ogeyn qasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan qeybo ka mid ah degmada dayniile ee gobolka bay.

Lama oga qasaaraha soo gaaray ciidamada Ethiopia,laakin afhayeen u hadlay xoogaga alshabaab ayaa saxaafada u sheegay in tiro madaafiic ah ay ku garaaceen xerda Asluubta oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia islamarkaana uu sheegay in qasaaro baahsan ay soo gaartay ciidamadaasi.

Ciidamada Ethiopia ayaa marka uu soo gaaro qasaaro baahsan waxa ay madaafiic aan loo meel dayin ay ku garaacaan xaaafadaha ay degan yihiin dadka rayidka ,waxana maanta ay madaafiic ku garaaceen qeybo ka mid ah degmada dayniile ee gobolka banaadir.

Add New Comment